Taliska hore ee PSF oo iclaamiyay xabad joojin ka dhaqangasha Boosaaso

Taliskii hore ee Hay’adda PSF ayaa caawa iclaamiyay inay u hoggaansami doonaan dadaalada ay dhexdhexaadinta ka yihiin Odayaasha Dhaqanka, Culimada, ganacsatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Qoraal goor dhow lagu daabacay barta PSF ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay inaanay iyagu markii horeba cidina duulaan ku ahayn, oo difaac oo keliya ahaayeen.

Waxay sheegeen in sidii horeba ay weli ogolyihiin in xiisadda taagan lagu dhammeeyo wada hadal, isla-markaana ay samayn doonaan xabad joojin iyo xasillooni.

Qoraalka ayaa u qornaa “Ka dib kulamo iyo xiriiro ay nala yeesheen Isimo, Culumo, Ganacsato iyo Bulshada Rayidka ah, waxaan soo dhaweynaynaa dadaaladooda nabadeynta ah.

Waxaan caddeynaynaa in dhinacayagu ahaa mar walba difaac oo annaga marna aysan jirin sabab aan xabadda ku bilowno.

Waxaan dhinacayagu sidii horeba u ogolnahay wada hadalka iyo heshiis lagu gaaro xal iyo nabad.

Haddaba waxaan dhinacayagu sameynaynaa xabad joojin iyo xasillooni, hadduu Alle nagu simo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com