Dagaal culus oo mar kale ka dhacay Magaalada Boosaaso

Dagaal xoogan ayaa saqdii dhexe ee caawa dib uga qarxay Magaalada Boosaaso, xilli labada dhinac ay ku dhawaaqeen xabad joojin ka dhaqangasha magaaladaasi.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii la sheegay in Ciidamada Puntland ay habeen bar weerar xoogan ku qaadeen Xerada Taliskii hore ee Ciidanka PSF, oo ku taala xaafadda Ridwaan.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga PSF ay iska caabiyeen weerarka kaga yimid ciidamada kale ee maamulka, iyadoo ay labada dhinac weli kala jooggaan goobihii ay ku dagaalamayeen, tan iyo Talaadadii.

Tiro madaafiic ah ayaa ku dhacday xaafadaha ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso, iyadoo uu burbur ka soo gaaray dhismooyinka qaarkood.

Wax badan lagama oga waxa keenay dagaalkan ugu dambeeyay ee dib uga qarxay Magaalada Boosaaso.

“Waxaan ka mid ahay dadka ku haray magaalada, nabad baanu ku seexanay, mar keliya baa waxaan ku soo toosnay madaafiic xoogan oo magaalada ka dhaceysa, ka dibna dagaal toos ah uu xiggo.” Ayuu yiri Yaasiin Maxamed Cali oo ka mid ah dadka reer Boosaaso.

Yaasiin Maxamed oo Universaltv la hadlay ayaa yiri “Waa la yaaban yahay, ma garan karno waxa khalmaday ee xabad joojinta loo jebiyay. Hadda ka dib waxay noqonaysaa inaanan warkoodaba la aaminin, inta ciidamada la kala qaadayo.”

Dagaalkan ayaa walaac gelinaya dadka saacadihii ugu dambeeyay bilaabay inay dib guryahooda ugu soo noqdaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com