Dagaal maalintii 3aad ka socdo Magaalada Boosaaso

Dagaalka Magaalada Boosaaso ayaa galay maalintiisii 3aad, ka dib markii aroornimadii hore ee saaka uu dagaal xoogan dib uga qarxay magaaladaasi.

Dagaalka waxa uu xoogiisu ka socdaa xaafadda Ridwaan, oo xerada ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF ay ku taalo.

Ciidamada Puntland ayaa u muuqdo kuwo doonaya inay foodda geliyaan xerada PSF, ha yeeshee ay iska caabin xoog leh kala kulmayan xoogaga u daacadda ah Agaasimihii hore ee Hay’adda PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Yaasiin Maxamed Cali oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dhinacyada dagaalama ay u muuqdaan kuwo qolaba mar la riixayo.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in madaafiic ay ku dhaceyso xaafadaha ka baxsan halka uu dagaalku ka socdo.

Wadooyinka Boosaaso ayaa waxaa mararka qaarkood lagu arkayaa dad dhaawacyo qaba, oo goobaha caafimaadka loo sii sido.

Dagaalka xalay illaa saaka ka socdo magaalada ayaa dadkii shalay galab magaalada ku soo laabtay ku khasbay in dib uga barakacaan guryahooda.

Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa ah mid kacsan, sida muuqatana waxaa mar kale guuldareystay dadaaladii ay garwadeenka ka ahaayeen isimada, waxgaradka iyo ganacsatada reer Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com