Farmaajo oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Boosaaso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda Magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.

Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada Isimada, Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda, si loo helo xal waara.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday shaqaaqadan laga maarmi karay, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryayaa inuu degdeg ugu booga dhayo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhiirigelinayaa dadaalada nabadaynta iyo wada hadalka ku dhisan, ee ay wadaan Isimada iyo Dhaqanka Puntland ee u istaagay, sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com