Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ugu dambeeyay ee Boosaaso ka dhacay

Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa degan, ka dib dagaalkii ugu dambeeyay ee saqdii dhexe ee xalay dib uga qarxay magaalada, soona gaaray 7-dii subaxnimo ee saakay. Dagaalka ayaana ahaa mid si iskiis ah u istaagay.

War maanta ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Agaasimihii hore ee Hay’adda PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano uu hurinayo colaadda magaalada, iyadoo dhinaca kalena ay Puntland sheegtay inay fursad siineyso dadaalada loogu jiro in si nabad ah loogu dhammeeyo xaaladda taagan.

“Si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhameyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay waqti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, dowladduna waxay qaadeysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.” Ayaa warka lagu sheegay.

Inkastoo ay tani joojisay weerarkii Ciidanka PSF uga imaanayay ciidamada kale ee Puntland, haddana maynan joojin in dadku ay magaalada ka sameeyaan barakicii ugu ballaarnaa. Boqolaal qoysas ah ayaana ku barakacay dagaalka maalintii 3aad ka dhacay magaaladaasi.

Madaafiicdii xooganeyd ee dagaalka la isku adeegsaday ayaa ku dhacay guryo rayid degan yihiin, taa oo galaafatay nolosha dad badan, sidoo kale waxaa jira dad ku waxyeeloobay rasaasta wiiftada.

Saacadihii hore ee maanta ayaa waxaa goobaha caafimaadka la gaarsiiyay meydadka 19 qof iyo dhaawaca in ka badan sideetan qof oo kale. Dadkan ayaa isugu jira askar iyo rayid.

Saciid Siidow oo ka mid ah dadka reer Boosaaso ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay magaalada uu ku waayay saddex carruur ah oo uu dhalay iyo laba uu awoowe u ahaa.

Saciid Siidow ayaa sheegay in xilligii ay dhacdadan dhaceysay uu ku maqnaa Garacad, haatana uu ku sii jeedo Magaalada Boosaaso.

Isimada, waxgaradka iyo ganacsatada reer Puntland ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan inay ugu kala dab qaadaan labada dhinac, si dagaal dambe looga baaqsado.

Boosaaso waxaa saddexdii maalmood ee ugu dambeysay laga dareemay dhiilada colaadeed ee ka taagan, inkastoo muddo bil ahba ay ka jirtay xaalad xiisad u muuqatay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com