Kooxo hubeysan oo dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Buurhakaba

Kooxo hubeysan oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxay dileen Gudoomiyihii Maxkamadda Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim ayaa xalay lagala baxay hoygii uu ka deganaa Degmada Buurhakaba, ka hor inta aan lagu dilin duleedka degmadaasi.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dad socoto ahaa ay meydka marxuumka ku arkayn duleedka degmadaasi, ayna ku soo wargeliyeen Ciidamada Dowladda, kuwooda ka hawlgala Buurhakaba.

Ciidamada ayaa baaraya waxa keenay in si fudud kooxahaasi ay hoygiisa uga kaxeystaan Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim, Gudoomiyihii Maxkamadda Degmada Buurhakaba.

Dadka reer Buurhakaba ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka arxandarada ah ee lagu dilay Gudoomiyaha Maxkamadda.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilay ninka odayga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com