Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray xarun cusub (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Rrur Gobaleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa maanta Magaalada Muqdisho xarrigga kaga jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee La-socodka Cimilada & Ilaalinta Deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa soo bandhigay muhiimadda ay Xaruntani u leedahay guud ahaan dalalka Geeska, gaar ahaan Soomaaliya oo martigalinaysa Xaruntan heer gobol, isaga oo tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu Gobolka ku yahay caqabad ay tahay in la iska kaashado.

“Xaruntani waxa ay muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan Gobolkeenna oo ay ka caawin doonto hirgelina Qorsheyaasha Isbeddelka Cimilada ee IGAD, Midowga Afrika iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Paris. Waxa ayna ku soo beegantay xilli ay Gobolka ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada ee abaaraha, fatahaadaha iyo nabaad-guurka.”

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Somaliya martigelinta Xaruntan, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn doonta la-socodka iyo wax-ka-qabashada isbeddellada cimilada iyo ilaalinta badqabka deegaanka ee dalalka IGAD, iyada oo diiradda saari doonta ururinta macluumaadka, cilmi-baarista iyo soosaaridda warbixinnada ku aaddan dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, oddorosidda iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirradda Wasaaradaha qaybta ka ah Xaruntan oo ay ka mid yihiin Wasiirka, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Qorshaynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Xannaanada Xoolaha Maxamed Aadan Macallim iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Mudane Xaamud Cali Xasan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com