Rooble oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada isaga xaal wareystaan, arrimaha ugu muhiimsan ee dalka.

Shirka ayaa Khamiistan looga hadlay arrimaha amniga, dardargelinta & hufnaanta doorashooyinka, diyaargarowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka bishan December ka dhici doona Magaalada Muqdisho, wada shaqeynta Hay’adaha Dowladda iyo gurmadka abaaraha.

Shirka toddobaadkan waxa uu ku soo aadayaa, xilli uu khilaaf ka soo dhex cusboonaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com