Iska horimaad ka dhacay Magaalada Matabaan

Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan kuwa Galmudug, iyadoo ay xalay ku dagaalameen kastamka canshuuraha ee Magaalada Matabaan.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Xoogaga Nabad Sugidda ee Galmudug, kuwaa oo daba-yaaqadii bishii October ka barbar dagaalamay Xoogagii Ahlu Sunna ee Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug dagaalka kula galay Magaalada Guriceel.

Sarkaal ka tirsan Booliska Galmudug ayaa Dhacdo.com u sheegay in Dowladda Federaalka ay mushaaraadka ka jartay ciidamadan.

“Ciidamada weerarka qaaday waxay ka tirsan yihiin Nabad Sugidda Galmudug, waxa ayna u badan yihiin Ciidamadii Galmudug ee dhawaan ka barbar dagaalamay Ahlu Sunna. Ciidamada ayaa ka gadoodsan mushaaraadkoodii oo dowladdu ka jartay.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Weerarkiise ay xalay ku qaadeen kontoroolka wuxuu ka dhashay gaarigan noo gudbiya oo anagaa wadana iyo la idiin gudbin maayo.”

Waxaa uu intaa raaciyay “Askari boolis ah oo lagu magacaabi jiray Liibaan Khaliif ayaa ku dhintay dagaalka, laba askari oo kalena way ku dhaawacmeen. Xaaladda hadda way degan tahay, ciidamadana magaalada ayay wada jooggaan.”

Matabaan waxaa ku yaala kastamka labaad ee canshuuraha ku qaaddo Galmudug, marka laga soo taggo kastamka ku yaala Koonfurta Gaalkacyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com