Ra’iisal Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Midowga Musharaxiinta (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka socday Golaha Midowga Musharaxiinta.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dardargelinta, hufnaanta doorashooyinka iyo tabashooyinka jira, ka hor shirka maalinta Isniinta Golaha Wadatashiga Qaran uga furmaya Magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya ayaa kulan la yeeshay xubno metelaya Midowga Musharraxiinta, oo ay ka wada hadleen dardargelinta, hufnaanta doorashooyinka iyo tabashooyinka jira, ka hor shirka lagu wado in uu 27-ka December Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha bulshada, oo ay ugu horeeyaan Ururada Bulshada Rayidka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, ka hor Shirka Golaha Wada tashiga Qaran.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com