Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay xubno metelayay Ururada Bulshada Rayidka, kuwaa oo uu ka dhageystay talooyim ku aaddan hannaanka geeddi-socodka ee doorashada dalka.
War qoraala oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu xubnahaasi u xaqiijiyay, sida ay uga go’an tahay dardargelinta dhameystirka doorashada, si dalka looga gudbiyo xaaladda cakiran ee ku jiro.
Warka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay xubno ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ka dhageystay aragtiyo iyo talooyin ku aaddan geeddi socodka doorashada dalka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-ka bishan ka furmaya Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Ururada Bulshada Rayidka ah, sida ay uga go’an tahay dardargelinta dhameystirka doorashada, si dalka looga gudbiyo xaaladda cakiran ee ku jiro.








Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com