Golaha Midowga Musharaxiinta oo baaq u jeediyay Guddiyada Doorashooyinka

Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka ayaa Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee Heer Federaal ugu baaqay in si degdeg ahi u soo doortaan hoggaan.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ugu baaqeen Guddiyada Doorashooyinka Qaranka in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa “Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu ugu baaqayaa Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si degdeg ah hoggaan u doortaan

Goluhu wuxuu ku boorrinayaa guddiyada in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho hufan oo daahfuran.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda leeyahay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay 27 December, Goluhu wuxuu rajaynayaa in ay shirka ka soo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardargeliyo meelmarinteeda.

Goluhu wuxuu aaminsan yahay in xalka uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan oo daahfuran, taasoo keenaysa in natiijadeedana la aqbalo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com