Hormuud oo labaatan kun oo dollar ugu deeqday Iskuulka Mucaasir

Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta $20,000 (Labaatan kun oo dollar) ugu deeqday Iskuulka Mucaasir, oo burbur xoog leh ka soo gaaray qaraxii 25-kii bishii November ka dhacay inta u dhaxeyso Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan, halkaasoo uu iskuulkan ku yaalo.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa guddoonsiiyay lacagta kaalmadaa ah Maamulaha Iskuulka, si ay gacan uga gaystaan, sidii iskuulka dib loogu dhisi lahaa, iyadoo iskuulka ay dhiganayeen wax ka badan 1,000 (kun) arday oo isugu jira heerarka kala duwan ee Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation ayaa uga tacsiyeeyey Maamulka, Ardayda iyo Waalidiinta, dhibaatadaa ku dhacday iskuulka, wuxuuna Allah uga baryey inuu u sakhiro dib u dhiska iskuulka, isagoo dhanka kale ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed, meel kastoo ay jooggaan inay gacan ka gaystaan dib u dhiska iskuulka, si dugsiga ugu suurtagasho inuu dib u hawlgalo, ardaydana dib waxbarashadooda u sii wataan.

Maamulaha Iskuulka Mucaasir, Mahad Faarax Shaaciye oo ka guddoomay Gudoomiyaha HSF ayaa ugu horayn uga mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation, dareenka iyo garab istaaga ay siiyeen iskuulkooda, wuxuuna sheegay in kaalmadaan lacageed ay wax ka tari doonto, sidii iskuulka dib loogu hawlgelin lahaa, isagoo dhanka kale ka codsaday dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay sidaan oo kale ay gacan uga gaystaan dib u hawlgelinta iskuulkaasi, si mar kale uu dib ugu sii wado adeegii waxbarasho ee uu u haayay ardayda Soomaaliyeed.

Fardowso Cali Faarax oo ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka barata Dugsiga Mucaasir ayaa uga mahadcelisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation gurmadka ay la soo gaareen dugsigan, si dib loogu hawlgeliyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com