Jubbaland iyo Puntland oo ka qaybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa xaqiijiyay inay diyaar u yihiin ka qaybgalka shirka toddobaadkii hore uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirka oo Isniinta lagu wado in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa looga arrinsanayaa dardargelinta geeddi-socodka, toosinta iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”

Qoraal kale oo Madaxtooyada Jubbaland ka soo baxay ayaa lagu sheegay “Dowladda Jubbaland mar walba waxay diyaar u tahay dardargelinta howlaha doorashooyinka, oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.

Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ay ku bilaabayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Waxaan diyaar u nahay ka qaybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay ka soo baxaan go’aamo wax-tar u leh shacabka Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com