Koonfur Galbeed oo qaadacday Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa galabta iclaamisay inaanay Magaalada Muqdisho kaga qaybgeli doonin shirka 27-ka bishan ka furmaya Magaalada Muqdisho, ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaranka.

Taasi bedelkeeda Koonfur Galbeed waxay sheegtay inay ka qaybgeli doonto Shirka Wadatashi, ee xalay uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo arritani lagaga hadlay ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan ka soo qaybgeli doonin shirka uu iclaamiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan wuxuu ka dhashay ka dib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qaybiyay.

Koonfur Galbeed Somaliya waxay diyaar u tahay ka qaybgalka baaqa Madaxweynaha, si looga tashado sidii lagu samata bixin lahaa geediga socodka doorashooyinka dalka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com