Rooble oo si kulul ugu jawaabay Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray eedeynta goor dambe oo xalay ahayd uu u soo jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay inaanan musharax gaar ahi laga aqbali doonin in uu doorashada ku takri-falo.

Warka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay qoraalka saaka aroortii ka soo baxay Xafiiska Madaxwaynaha.

Qoraalkaas waxa uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka doorashada dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo ballansan yahay kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargeliyo howlaha doorashooyinka iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortaggo kulanka golaha, taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, kana noqondoonin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan la wadaagaynaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu intii uu Xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay, sidii uu ku sii jooggi lahaa xafiiska, isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo keliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu waddada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.

Tan iyo intii uu Ra’iisal Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan, kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu buurayay mid kale illaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqaan masuuliyad-darrada ah.

Waxaa xusid mudan in doorashada uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaruhu ay tahay mid ay u siman yihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka oo uu ku jiro Madaxwaynuhu, sidaas darteed lama aqbali karo in musharax gaar ah uu isku dayo in uu doorashada ka dhigo mid uu natiijadeeda ku leeyahay saamayn gaar ah.

Haddaba, waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddayneynaa in masuuliyadda doorashadu ay saaran tahay Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga Qaranka, sidaas awgeed shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho, sidii uu ku talagalku ahaa.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu wadaa kulamo aragti wadaag ah oo uu la leeyahay, Bulshada Rayidka ah, Golaha Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka, si looga dhageysto talooyinkooda la xiriira hufnaanta doorashada iyo dhameystirka Golaha Shacabka oo waqtiyaysan, kuwaas oo lagu dhameystiri doono kulanka Golaha Wadashiga Qaranka ee qorshaysan.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu la socodsiinayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka in la jooggo, xilligii si wadajir ah looga hor-imaan lahaa shakhsiyaadka caqabadda ku ah nabadda iyo dowlad-dhiska Somaliya, si looga baaqsado in uu dalku galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Ugu danbayn, Ra’iisal Wasaaruhu isaga oo gudanaya waajibaadka qaran ee uu siiyay Dastuurka KMG ah, raacayana heshiisyada siyaasadeed ee awoodda u siiyay hoggaaminta Doorashada iyo Amniga, wuxuu u ballanqaadayaa shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaashasnaya Golaha wadatashiga Qaranka in uu xooggiisa isugu gaynayo dhameystirtka doorashada, iyada oo la ilaalinayo hufnaanteeda, maadaama xalka keliya ee u furan Qarankan ay tahay doorasho horseeda in awoodda loogu kala wareego, si sharci ah oo nabdoon.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com