RW Rooble oo isku bedelay Wasiirada Cadaaladda iyo Gaashaandhigga

Wareegto uu soo saaray Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga JFS ugu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horey u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale Xasan Xuseen Xaaji oo horey ahaa Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray labada Wasiir ee la isku bedelay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com