Taliyaha Ciidanka Badda oo la amray inaanu dalka ka bixi karin

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray awaamiir uu Hay’adda Laanta Socdaalka iyo Laamaha Amniga ee Garoonka Aadan Cadde uu ku farayo inaanu dalka ka safri karin Taliyaha Ciidanka Badda, Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo baaritaan uu ku socdo.

Wasiirka Amniga ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Sarkaalkaasi uu qorsheynayo in si degdeg ah uu dalka uga baxsado, iyadoo loo haysto eedeymo iyo xadgudubyo waaweyn, oo uu ku kacay, sida ku xadgudubka baa warka lagu yir Madaxda Qaranka.

Warka ayaa lagu yiri “Sidoo kale waxaa ku maqan hanti dad shacab uu ka qabo, oo leh caddeymo buuxa, uuna diiday in uu dib ugu soo celiyo.

Haddaba si loola xisaabtamo Sarkaalkaas, fursadna loo siiyo muwaadiniintaas xaqu ka maqan yahay in ay u soo gudbiyaan cabashadooda Hay’adaha Garsoorka, Sarkaalkaas kama safri karo dalka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com