Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladda cakiran ee dalka

Warsaxaafadeed ay caawa si wadajir ah u soo saareen saaxiibada caalamka ee Somaliya ayay Madaxda Somaliya ugu baaqeen inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan.

Saaxiibada Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay inay ka joogsadaan waxay ugu yeereen daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida ee dalka.

Waxay sheegeen inay sidoo kale ka walaacsan yihiin wax is daba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada ee dalka.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay, iyadoo aan lagu samayn wax carqalad dheeri ah in degdeg loo hirgeliyo heshiisyadii 17-kii September 2020 iyo 27-kii May 2021, oo ay sheegeen inay saldhig u yihin doorashooyinka.

“Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay wehliyaan wadatashiyada kale ee dhex maraya saamilleyda muhiimka ah,ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay, si loo dardargeliyo, loona hagaajiyo geeddi-socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray; Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holland, Norway, Suudaan, Sweden, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Maraykanka iyo Qaramada Midoobey.