Ciidamo u hoggaansamay amarkii Rooble oo soo buuxiyay xeendaabka Villa Somalia

Ciidan xoog leh oo taabacsan Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa haatan lagu arkayaa xaafadaha ku yaala wadooyinka soo gala Xarunta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Mar sii horeysay ciidan taabacsan Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xiray waddada ka timaada Isgoyska Ceelgaabta ee gasha Villa Somalia. Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Wasiirka loo diiday in uu taggo Xafiiska Golaha Wasiirada ee ku yaala Madaxtooyada.

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa la soo sheegaya in ay ku sugan yihiin xeendaabka Madaxtooyada, ayna la safan yihiin Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka carooday Ciidamada Koofi Kasta ee saakay uu Madaxweynuhu soo duldhigay xafiiskiisa, kana hor joogsaday in uu gudaha u galo.

Dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General Odawaa Yuusuf Raage iyo General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa horseeday in ciidamadaasi laga kaxeeyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemaya dhaqdhaqaaq ciidan, iyadoona aad mooddo in Ciidamada Qaranka ku kala qaybsamayn khilaafka labada xafiis ee dalka ugu sarreeya.

Ciidamada soo buuxiyay xeendaabka Aqalka Madaxtooyada ayaa waxay imaanaysaa, xilli Ra’iisal Wasaaruhu uu ciidamada ugu baaqay in ay isaga ka amar qaataan, oo aanay Madaxweynuhu ka amar qaadan.

Bishii April muddo kororsigii labada sano ee loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa kala qaybsanaan ka dhex abuurtay Ciidamada Qalabka Sida, kuwaa oo qaybtood la saftay Golaha Midowga Musharaxiinta, oo si weyn uga biyo diiday muddo kororsigaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com