Mareykanka oo u hanjabay kooxda Madaxweyne Farmaajo

Dowladda Mareykanka ayaa caawa ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Somaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa lagu sheegay in wax laga naxo ay tahay tallaabada la isku dayay ee shaqada looga joojinayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu taageerayo dadaalada uu Rooble ugu jiro, sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho wadar ogol ah.

“Mareykanku waxa uu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Somaliya. Isku dayga shaqo ka joojinta Maxamed Xuseen Rooble waa arrin laga naxo, waxaana taageeraynaa dadaalkiisa ku aaddan doorashooyin degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa dhammaan dhinacyada ugu yeeray inay ka waan-toobaan ficilada iyo hadalada xaaladaha abuuri kara.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay ka waan-toobaan ficilada iyo hadalada xanafta leh.” Ayaa lagu sheegay warka Mareykanka ka soo baxay.

Warka Mareykanka ayaa ah hanjabaad si toos ah ugu socota garabka Madaxweyne Farmaajo, taageero xoog lehna loogu muujinayo howlaha uu hormuudka ka yahay Ra’iisal Wasaare Rooble.

Digniinta hanjabaadda wadata ee Mareykanka ka soo yeertay ayaa imaanaysa, xilli khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka uu u muuqdo mid xiisad isku bedelay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com