Midowga Musharaxiinta oo ciidan aad u hubeysan la galay Villa Somalia

Xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta oo wata ciidan aad u hubeysan ayaa gaaray Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaasoo ay kulan kula leeyihiin Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ciidamadan oo isugu jira ilaalada Midowga Musharaxiinta iyo kuwa kale oo ka amar qaata Ra’iisal Wasaaraha ayaa xubnaha mucaaradka geeyay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Kulanka labada dhinac ayaa imaanaya, ka dib markii Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu saakay isku dayay inuu la wareego xafiiskiisa iyo Xarunta Golaha Wasiirada, ka gadaal markii uu ku eedeeyay in Ciidanka Koofiya Kasta loo yaqaano uu soo duldhigay.

Rooble ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in ujeedka Madaxweynuhu yahay in sifo aan sharci ahayn uu ku sii jooggo xafiiska.

Rooble ayaa muuqaalka ku sheegay in xukuumadiisu ay si buuxdo masuul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hay’adaha kala duwan ee Qaranka.

“Maadaama Madaxweynihii hore sida muuqata uu go’aan ku gaaray in uu burburiyo Hay’adaha Dowladda, isaga oo aan haysan sharciyad, waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in Xukuumadda Federaalka Somaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, gaar ahaan xilliga kala guurka ay si buuxdo masuul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hay’adaha kala duwan ee Qaranka.” Ayuu yiri Rooble.

Hadalhaynta ugu badan ee ay hadalhayaan dadka Soomaaliyeed ayaa noqotay khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka ee xiisadda isu bedeshay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com