Muxuu Rooble kala hadlay xubnaha mucaaradka qaarkood (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo labaduba ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inay Ra’iisal Wasaaraha uga mahadceliyeen, sida uu kaga hortagay afgembiga, sida uu yiri.

“Waxaa dhowaan soo idlaaday kulan aan la yeelanay Ra’iisal Wasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan uga mahadcelinay sida geesinnmada leh ee uu uga hortagay afgembiga.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa kaloo uu yiri “Inqilaabkan oo kale wuxuu dalka ka dhacay 1969-kii, oo lagu afgembiyay hay’adihii rayidka ee dastuuriga ahaa ee dalka.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay inay Rooble u caddeeyeen in ay shacabka Soomaaliyeed garab taagan yihiin.

“Waxaan u caddeynay in shacabka Soomaaliyeed iyo kan caasimaduba ay garab taagan yihiin.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) iyo Wasiirka Dekedaha & Kalluumeysiga Galmudug, Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com