Sababta Qoorqoor iyo Guudlaawe uga aamusan yihiin xaaladda cakiran ee dalka

Xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid cakiran, xilli uu kilhaaf cusubi soo kala dhexgalay Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Rooble, kaas oo gaadhsiisan in dhinac dhinaca kale ku eedeeyo dastuur jabin. Madaxweynaha ayaaa sheegay in uu shaqada ka joojiyey raysalwasaaraha, halka raysalwasaaruhuna sheegayin ‘madaxweynihii hore’ isku deyayo in uu dalka carqaladeeyo.

Tan iyo markii khilaafkaasi soo baxay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muujinayey halka ay arrinta ka taagan yihiin, hadday tahay siyaasiyiin, madaxdii hore, xildhibaanno iyo dabcan qaar ka mid maamul goboleeddada.

Maamullada Jubaland iyo Puntland kal horeba waa ay caddeeyeen mawqifkooda iyaga oo sheegay in ay u hoggaan san yihiin shirka wadatashi ee uu ku baaqay Raysalwasaaruhu.

Halka Koonfur Galbeed ay si badheedh ah u caddaysay u in aanay ka qayb galayn shirka uu cilaamiyey Raysalwasaaraha, halka dhanka kale ay diyaar u tahay “baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.” ayaa ku yidhaahdeen warbixintii ka soo baxday, taas oo caddaynaysa in ay la safan yihiin khilaafkan dhanka madaxweynaha.

Waxaa se saddexdaa maamul sida ay u caddeeyeen mawqifkooda aan u caddayn labada maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug.

Dad badan ayaana u arka in labadan ay ka muquuranayaan xaaladda taagan, iyaga oo raba in aanay sida maamulladan kale u caddayn labada dhinac, dhinaca ay u hoggaansan yihiin ama u jandjeedhaan.

Maxaa ku qasbaya haddaba in ay sidaa yeelaan?

Cabdi Faarax Siciid Juxa, waxa uu hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dawladda Federaalka, waxaannu weydiinnay bala waxa ay tahay caqabadda gaarka ee ka hor istaagaysa in ay mawqif cad qaataan, xilligan dalku ku jiro xaalka adag.

Juxa ayaa qaba in labada maamul labada dhinac ee uu dhaxeeyo khilaafka siyaasiga ay labada midba dan ka leeyihiin, isla markaana aanay rabin in dhan isku diraan.

“Haddii loollan siyaasadeed yimi, labadaan maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug waxaa lagu tuhmi karaa in dadka siyaasadda ku loollamaya ee musharixiinta ahi aya ka soo jeedaan labadaan gobol, Villa Somalia-na ay tahay niman ay abaal gashatay oo xilka markii ay imanayeen ay caawisay oo siyaasadda ugu hiilisay ahaan, sidaa darteed ay jecel yihiin in ay ku noolaadaan legga jecli lugta jecli oo ku noolaadaan dhexdhexaad ahaadaan, oo dhinacna ay eed ka gelin. Villa Somaliya aysan ka abaal dhicin, ragga ay gobolka ka soo wada jeedeenna aanay eed ka galin” ayuu qabaa Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Axmed Macallin Fiqi, oo wasiir ka soo noqday Galmudug ayaa isna xaaladda haysataa maamulladaas ku qeexay in ay tahay kala aragti duwanaan u dhexaysa madaxda maamulladas iyo sida ay danaynayaan shacabkoodu.

“Maamulladan iyo kuwaa kale dabeecaad ahaan waa ay kala duwan yihiin, hadday tahay qaabka madaxdoodu ay ka timi, sida ay dadkooda u metelaan iyo waxa ay ka turjumaan intaba aad bay u kala duwan yihiin. Dadka deegammaddan deggan Hirshabeelle iyo Galmudug hoggaamiyayaashoodii ugu waaweynaa waxa ay joogaan muqdisho. Markaa iyagu go’aan Villa Soomaaliya ka dhan ah ma qaadan karaan, go aan ka shacabkooda ka soo horjeedana ma qaadan karaan. Sidaa darteed ayay muluc muluc ugu jiraan.

Maxay kaga duwan yihiin maamullada kale?

1: Maamullo cusub: Waa labadii maamul ee ugu dambeeyay ee la dhiso, qeybna ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya, sida uu qabo falanqeeye siyaasadeed Xasan Xayle oo London ku sugan, ma ahan maamullo wali adkaystay, lehna waayo aragnimo ku filan oo ay xilka kusii xajistaan.

“Tan koowaad waxaan isleeyahay in ay tahay waa maamullo curdun ah oo aanan xoogeysanin” ayuu yiri Xasan Xayle.

Labadaba waxaa la dhisay sanadihii ugu dambeeyay xilka ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana jirtay dood ah in haddii madaxweyne cusub uu dalka qabsado in isbadal uu ku dhici karo maamul goboleedyadan,

Marar badanna waxaa la sheegaa kolka la damco in madaxdooda xilka laga qaado in ay ka fududdahay kuwa kale ee maamul goboladeeddada, dhawr jeer ayayna dhacday in iyaga oo aan muddo xiledkooda dhammaysan madaxdoodii xilka laga qaado.

2: Ma haystaan ciidammo u gaar ah: Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ka hawlgala ciidammada dowladda federaalka haddii ay ahaan lahaayeen xoogga dalka iyo waliba kuwa nabad suggida oo si toos ah uga amar qaata dowladda dhexe.

3: Tabardarro Dhaqaale: Labadan maamul ma lahan illo dhaqaale oo u gaar ah, si ka duwan maamullada kale oo gaaray isku filnaan illaa xad ah oo ay kaga maarmaan dowladda dhexe.

Xasan Xayle oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay: “Maamuladan ma heystaan dhaqaale fiican, waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, iyo in dowladda dhexe aysan waxbo u qoondeynin”.

Waxaa la sheegaa in maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay leeyihiin dekedo uu kasoo galo dakhli ay ku maareeyaan arrimahooda, halka Hirshabeelle iyo Galmudug ay ku tiirsanyihiin dowladda dhexe.

4: Khilaafka u dhexeeya Madaxdooda: Maadaamaa lagu dhisay nidaam dib u heshiisiineed oo awood qeybsi ah, markii la dhisayayna uu jirey khilaaf badan, waxa la sheegay in madaxdooda ay aad u kala qeybsanyihiin.

“Markii khilaafkii Khaliijka uu dhacay sida madaxda Galmudug ay u kala safteen dadka qaarkood waxa ay kuu fasireysaa in ay ku xiran tahay moowqifyada bulsheed ee ay kasoo kala jeedaan,” ayuu yiri Xasan Xayle oo BBC-da u waramay isaga oo London jooga.

Madaxda maamulladan ayaa badanaa lagu eedeeyaa in ay Muqdisho toos ugu xidhan yihiin oo halkaa muddo badan ku qaataan, iskana joogaan oo aysan wakhti badan gelin Cadaado iyo Jawhar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com