Wararkii ugu dambeeyay khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka

Somaliya ayaa haatan wajahaysa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka, waxaana uu khilaafkoodu u muuqdaa mid sii xoogeysanaya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dambe oo xalay ahayd soo saaray warqad uu ku sheegayo in uu shaqada ka joojiyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ka dib markii uu ku eedeeyay musuq maasuq la xiriira dhul.

Saakay ciidamo ka amar-qaata Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayay inay Ra’iisal Wasaare Rooble ka hor joogsadaan inuu gudaha u galo xafiiskiisa, inkastoo dadaalo la sameeyay lagu guuleystay in ciidamadaasi laga hor qaado xafiiskiisa.

Ra’iisal Wasaaraha oo galabta muuqaal soo duubay ayaa sheegay in Madaxweynuhu isku dayay in uu xafiiskiisa iyo Xarunta Golaha Wasiirada uu la wareego.

“Farmaajo, ka sokow inuu shuruucda dalka ku xadgudbay wuxuu saakay weerar ciidan ku soo qaaday Xafiisyada Ra’iisal Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiirada, isagoo isku dayay in uu ka hor joogsado gudashada waajibaadkoodii qaran. Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkan guracan ee sharciga baal marsan waa in uu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota, si uu xafiiska ugu sii jooggo si sharci darro ah, si lamid ah isku daygii fashilmay ee bishii April ee dalka lagu dumin rabay.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble.

Rooble ayaa yiri “Maadaama Madaxweynihii hore sida muuqata uu go’aan ku gaaray in uu burburiyo Hay’adaha Dowladda, isaga oo aan haysan sharciyad, waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in Xukuumadda Federaalka Somaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, gaar ahaan xilliga kala guurka ay si buuxdo masuul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hay’adaha kala duwan ee Qaranka.”

Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho ayaa ka digay in dalka xiisadda looga sii daro, iyagoona ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba ayaa waxaa laga dareemay xiisadda ka soo korortay labada xafiis ee dalka ugu sarreeya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com