Xafiiska Madaxweynaha oo qiil u yeelay wixii maanta ka dhacay Madaxtooyada

Madaxtooyada Somaliya ayaa waxay caawa beenisay in Madaxweynuhu isku dayay afgembi ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble oo mar maanta arrintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu weerar ciidan ku soo qaaday xafiiskiisa iyo Xarunta Golaha Wasiirada, isagoo isku dayay buu yiri in uu ka hor joogsado gudashada waajibaadkoodii qaran.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa caawa si adag u beeniyay eedeynta uu Ra’iisal Wasaaruhu u jeediyay Madaxweynaha.

“Eedeyntaasi waxba kama jiraan, ereygaasi haddii uu tafsiirkeedu saxda ah garanayo ma isticmaaleen, sababtoo ah arrinta laga wada hadlayaa waxaa weeye fashilkii ku yimid doorashada.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Villa Somalia.

Agaasimaha oo VOA la hadlay ayaa yiri “Ra’iisal Wasaaruhu muddo afar iyo toban bilood ah buu haystay arrinta doorashada, waad ogtihiin caqabadda xoogga leh ee ka jirta, mucaaradka laftirkooda muddo dheer bay ka cabanayeen. Guddiga Doorashooyinka Madaxbannaan ee doorashada hagayay waa kala dhantaalay, go’aamo isaga shakhsi u ah oo dowladnimada aan u daneynayn buu qaatay.”

Agaasimaha ayaa yiri “Intaa waxaa dheer in uu ku takri-falay hanti qaran, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka ay leeyihiin, maantana kiis baa horyaala.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Maadaama Ra’iisal Wasaaruhu uu ku yimid kiiskani waxaa muhiim ah in uu ka dabaasho, oo uu sugo inta kiiskaasi dhammaanayo, intaa inta ka horeysana waa la hakiyay awoodiisii iyo shaqadii.”

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa wixii saakay ka dhacay Madaxtooyada ku tilmaamay mid uun qayb ka ah howl maalmeedka ciidamada ka hawlgala Xarunta Madaxtooyada.

“Maanta waxa dhacay, kama aanay duwanayn shaqooyinkii maalinlaha ahaa ee Madaxtooyada ka qabsoomayay. Waxaan intaa idiinku darayaa Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka ee Somaliya waxaa amnigeeda u xilsaaran Guutada 77aad oo Taliye leh, nidaamkiisii iyo kala sarrayntii ciidan leh, ma jiro ciidan gaar ah oo Ra’iisal Wasaaruhu leeyahay iyo ciidan gaar ah oo Madaxweynuhu leeyahay, waxa jira ciidan madaxtooyo, waa ciidankaas. Waa ciidanka ugu hannaansan, uguna anshaxa badan ciidamadayna, maantay in laga been abuurana ciidankaas waa arrin aan dowladnimadayna u daneynayn.” Ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed.

Mar wax laga weydiiyay amarka Ra’iisal Wasaaruhu faray in ciidamada ay isaga ka amar qaataan ayaa ku jawaabay inay Ra’iisal Wasaaraha u wanaagsan tahay in uu dib ugu laabto dhinaca shuruucda dalka.

“Waxaa u wanaagsan isaga in uu dhinaca shuruucda dib ugu laabto, wadanku dastuur buu leeyahay, wuxuu leeyahay nidaam iyo kala sarrayn ciidan. Meel uu Ra’iisal Wasaaruhu ciidanka ka soo galo oo uu ku leeyahay awood uu ciidanka isagu amar siiyaa, ma jiro.” Ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Cabdirashiid Xaashi ayaa intaasi raaciyay “Ciidanku wuxuu leeyahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayayna waajibaadkiisa tahay. Qodobada Dastuurka ee arrimahaasi hagayana waan jeclahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee idin dhageysata aad la wadaagtaan, gaar ahaan Qodobka 90aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Somaliya.”

Sideed iyo afartankii saac ee ugu dambeysay ayaa waxaa cirka isku shareeray khilaafka dib uga soo dhex cusboonaaday labada xafiis ee dalka ugu sarreeya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com