Axmed Madoobe oo qaabilay Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada ee Jubbaland ku qaabilay Xildhibaanadii maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Kismaayo waxaa maanta ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona lagu doortay lix Xildhibaan, kuwaa oo laba ka mida ay haween yihiin.

War ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Xildhibaanadaasi kula dardaarmay ka shaqaynta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo samata-bixin lahaa.

Warka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay xubnaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta lagu doortay Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanadan la doortay ee ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS. Waxaa Madaxweynuhu uu kula dardaarmay ka shaqaynta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga shaqayn lahaa samata-bixinta dalka.”

May be an image of 4 people, people sitting and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 1 person and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, headscarf and indoor
May be an image of 1 person, wrist watch and indoor

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com