Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka yimid Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda, Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), siyaasiyiin, dhallinyaro iyo haweenba.

Madaxweynaha ayaa degay hotel ku dhow Garoonka Aadan Cadde, isagoona Caasimadda Muqdisho u yimid xalinta khilaafka dib uga soo cusboonaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa Univeraltv u sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble.

Sida muuqata Qoorqoor ayaa ka gaabsaday in dhinac qura uu la safto, taasi bedelkeedana uu qaatay door uu ku doonayo in dhinacyada uu isugu soo dhaweeyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com