Madaxweyne Guudlaawe oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ka yimid Magaalada Jowhar ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho u yimid, sidii uu door muuqdo uga qaadan lahaa xal u helidda khilaafka dib uga dhex qarxay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaan weli cidina la safan, taasi bedelkeedana uu naawilayo in wada hadalo uu ku dayo labada dhinac, si dalka uga gudbo isgoyska uu taagan yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com