Magacyada Xildhibaanadii maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland waxaa maanta ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda ay deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo, iyadoo laba ka mida kuraastaasi ay haween ku soo baxeen.

Lixda Xildhibaan ee Kismaayo lagu doortay ayaa kala ah Xamse Cabdi Barre, Cabdirashiid Jire Qalinle, Xasan Cabdi Ismaaciil, Maxamed Cali Cumar, Maryan Aweys Jaamac iyo Sahra Jaamac Cali

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay Kismaayo.

Qoraalka ka soo baxay Xaiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista Doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo isaga oo ku adkeeyay Guddiyada Doorashooyinka in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Xildhibaanada maanta la doortay, oo uu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo masuuliyadda loo igmaday.”

Jubbaland ayaa noqonaysa maamulkii 3aad ee bilaaba Doorashada Golaha Shacabka, horey waxaa u bilaabay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Illaa iyo hadda tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee la doortay ayaa ah 34 xubnood oo keliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com