Rooble oo ka hadlay doorashada ka bilaabatay Magaalada Kismaayo

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay Magaalada Kismaayo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Guddiga Doorashada Jubbaland ku adkeeyay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo xor iyo xalaal ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Qoraalka ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista Doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo isaga oo ku adkeeyay Guddiyada Doorashooyinka in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Xildhibaanada maanta la doortay, oo uu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo masuuliyadda loo igmaday.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com