Wasiirka Amniga oo NISA ka dalbaday warbixin la xiriirta xaaladda Abuu Mansuur

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nur ayaa ka dlabaday Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Yaasiin Cabdullaahi (Yaasiin Yarey) inuu warbixin buuxdo ka keeno xaaladda xarigga Muhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur, muddo 48 saac gudahood ah.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa xabsi guri ku ah Magaalada Muqdisho, tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018, markaas oo Dowladda Federaalka ay ka soo xirtay Magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa qoraal uu u diray madaxa ku meelgaraka ah ee Nabad Sugidda ku sheegay inay la soo xiriireen ehelada iyo wakiillada deegaan ee metela Roobow, ayna ka walaacsan yihiin xaaladiisa caafimaad iyo badqabkiisa.

Waxa uu sheegay inay doonayaan in Mukhtaar Roobow uu helo caddaalad, maadaama uu xiran yahay muddo dheer.

Waraysi uu siiyay VOA bishii Oktobar ee sanadkan ayaa Mukhtaar Roobow ku sheegay inuu yahay maxbuus siyaasadeed. Waxa kaloo uu sheegay in dowladdu muddadaas aysan u sheegin sababaha loo haysto.

Mukhtaar Roobow oo horey u soo noqday Kuxigeenka Amiirka Al Shabaab ayaa sanadkii 2017 isu soo dhiibay Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com