Dowladda Somaliya oo heshiis la gaartay Midowga Afrika (SAWIRRO)

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Disembar 2021, Dowladda Federaalka Somaliya ayaa soo geba-gabeysay shir wadatashi ah, oo ay Magaalada Muqdisho kula yeelatay Guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Dowladda Federaalka Somaliya oo uu wakiil ka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka Midowga Afrika ee Somaliya.

Waxaa laga hadlay mustaqbalka Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya oo dib u habayn lagu sameeyay. DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’da hagi doona ka qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhameeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidamada (TCC) ka jooggo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada Amniga Somaliya, si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Dowladda Federaalka Somaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qorshaga Kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxdo lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023-ka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com