General Odawaa oo ciidamada faray inay ka fogaadaan arrimaha siyaasadda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada Qalabka Sida faray inay ka fogaadaan arrimaha siyaasadda iyo aragti kasta oo dhexdooda kala qaybineysa.

Taliyaha ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliye-yaasha kala duwan ee qaybaha iyo Talisyada Hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo uu kulanku ahaa mid ay ka qaybgaleen inta badan Saraakiisha Ciidamada.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inaanay ku lug yeelan arrimaha siyaasadda, si aanay meesha uga bixin wadajirkoodii.

Taliyaha ayaa muujiyay burburka Dowladdii Dhexe inay ku timid kala qaybsanaan ku timid ciidamada, si taasi looga fogaadana ay tahay inaysan ku milmin siyaasadda.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada uga digay in ay kala qaybsanaan ku timaado.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxba kuma qaban karo kooxo gaar ah inay dabada la galaan, aragtiyo gaar ah inay raacaan waxba kuma qaban karaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida, waxay wax ku qaban karaan isku duubni, iska war hayn iyo in aanay ka leexan kaalinta xaqa ah, ee ay shalay u dhaarteen.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Haddii ay timaado kala dhantaal aragtida ciidanka iyo awoodda ciidanka waxaa imaanayo in aan gabno waajibkii iyo masuuliyaddii aan lahayn. Haddii ay timaado inaan gabno waajibka iyo masuuliyadda aan lahayn waxaa imaanayo wixii aan ilaalinaynay in ay meesha ka baxaan. Haddii wixii aan ilaalinaynay ay meesha ka baxaana waxaa imaaneysa laba isku soo laabatay inaysan dhicin, taasna nolosha ka dambeysa, ee ay salka ku hayneyso xog ogaalaa u tihiin, waana soo aragnay.”

Jananka ayaa ciidamada kula dardaarmay inay adkeeyaan dhaartii ay u mareen difaaca qaranimada dalka, ayna galaan heegan buuxa oo dhameystiran.

“Dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, deegaanka uu doono ha jooggo, meesha uu doono ha jooggo in la galo heegan buuxa oo dhameystiran, oo lagu sugnaanaayo goobaha shaqada iyo xerooyinka ciidanku ay leeyihiin, dhinac walboo ay tahay in diyaar laga ahaanaayo. Sidoo kale in laga fogaado wax kasta ee keeni kara aragtida iyo awoodda ciidanka inay kala qaybiyaan.” Ayuu yiri General Odawaa.

Jananka ayaa intaa ku daray “Waxaan rabaa inaan ilaalino wadajirka ummadayna, inaan ilaalino kalsoonida bulshadayna nagu qabaan iyo qiimigii dareyska uu lahaa, isku xirnaan inaan muujino, taas ayaa wax ku qaban karnaa.”

Hadalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa imaanaya, xilli ciidamo ka hor yimid isku daygii maalin ka hor shaqada looga joojin gaaray Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu arkay xaafadaha ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada.

Talaadadii shalay, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Ciidamada Dowladda ugu baaqay inaysan ku milmin arrimaha siyaasadda ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com