Hay’adda NISA oo ka warbixisay xaaladda caafimaad ee Abuu Mansuur

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ka jawaabay warqaddii ka soo baxday Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ee hay’adaasi looga dalbanayay inay ka warbixiso xaaladda caafimaadeed ee Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Mukhtaar Roobow Cali ayaa xabsi guri ku ah Magaalada Muqdisho, tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018, markaas oo Dowladda Federaalka ay ka soo xirtay Magaalada Baydhabo.

Qoraal uu ku saxiixnaa Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), loogana warbixiyay xaaladda nololeed ee Mukhtaar Roobow Cali ayaa lagu sheegay inuu degan yahay guri u amnigiisu sugan yahay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Abuu Mansuur uu galaangal u leeyahay inay soo booqan karaan qoyskiisa iyo cid kasta, oo uu dalbado inuu la kulmo.

Sida qoraalka lagu sheegay Abuu Mansuur waa arday dhigta jaaamacadda heerka 2aad ee Master Degree, xiriir joogto ahna la leh macalimiintiisa.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Mukhtaar Roobow wuxuu degan yahay guri amnigiisu sugan yahay, waxaana qaabilsan ciidamo si gaar ah u xaqiijiyo amnigiisa iyo midka hoyga uu degan yahay.

Waxaa si joogto ah ugu yimaado, soona booqda qoyskiisa iyo xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbado.

Xaaladiisa caafimaad, waa caafimaad qab, wuxuuna leeyahay dhakhaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad. Hoyga uu degan yahay waxaa u yaalo qalabka jimicsiga oo dhameystiran. Sidoo kale waa arday dhigto jaamacadda heerka 2aad ee Master Degree, xiriir joogto ah la leh macalimiintiisa.

Mukhtaar noloshiisa waxaa bil walba HSNQ uga baxda lacag dhan $7,000 (Toddobo kun oo dollarka Mareykanka ah), si loogu maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa.

Mudane Mukhtaar Roobow, maadaama uu soo noqday sidaad la socoto xubin sare oo ka tirsan argagixisada Al Shabaab, isla-markaasna uusan buuxinin shuruudaha isa soo dhiibaha loo dejiyay, waxaan caddeynaynaa in waajib naga saaran yahay amnigiisa, sidoo kale aan bulshada ka ilaalino khatar walba oo dhankiisa uga imaan karta.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com