Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xaaladda dalka uu marayo iyo arrimaha doorashooyinka.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Muqdisho kula kulmay Safiiradda Dowladda Ingiriiska u fadhisa Somaliya, Danjirad Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjiradda ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo iyo arrimaha doorashada.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Caasimadda Muqdisho u joogga dadaalo uu xal ugu raadinayo khilaafka ka soo cusboonaaday Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com