Mareykanka oo Kenya kala hadlay arrimaha Somaliya & Itoobiya

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta kala hadlay arrimo khuseeya amniga gobolka.

Labada dhinac ayaa si dhow uga wada hadlay arrimaha Somaliya iyo colaadda ka taagan waqooyiga dalka Itoobiya.

Xoghayaha iyo Madaxweynaha Kenya oo xalay khadka teleefanka ku wada hadlay ayaa isla gartay, sida ay lagama maarmaan u tahay in la joojiyo colaadda dalkaasi Itoobiya, isla-markaana aan la xanibin gargaarka bani’aadanimo, lagana fogaado xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo in wada hadal lagu dhameeyo dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha falaagada.

Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Washington ay si weyn u taageersan tahay dadaalada dhexdhexaadinta ee Madaxweyne Kenyatta iyo Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo.

Dhanka kale Blinken ayaa tilmaamay sida weyn ee baahida loogu qabo in Madaxda Dowladda Somaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay si degdeg ah u soo geba-gabeeyaan Doorashada Golaha Shacabka iyo midda Madaxtooyada, iyadoo markaasi laga fogaanayo wax is daba-marin khatar gelin karta kalsoonida lagu qabi karo hufnaanta doorashada.

Blinken ayaa ku celiyay in Mareykanku uu ka soo horjeedo isku daygii maalin ka hor lagu doonayay in lagu hor istaago shaqada Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, dhinacyadana ay tahay inay ka waan-toobaan ficilada iyo hadalada xaaladaha abuuri kara.

Warka Blinken ayaa daba socdo hanjabaaddii Mareykanka uu Isniintii ku sheegay in tallaabo uu ka qaadi doono cid kasta oo caqabad ku ah dhabaha nabadda ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com