Askari ka hawlgala Madaxtooyada K/galbeed oo dilay nin dhallinyaro ahaa

Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta Magaalada Baydhabo waxa uu ku dilay nin dhallinyaro ahaa, oo si weyn looga garanayay magaaladaasi.

Askarigan ayaa ka mid ahaa Ilaalada Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Cabdifitaax Mahad Cabdiraxmaan, oo uu dhalay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Dilka oo ka dhacay waddada horumarta Xarunta Dahabshiil ee xaafadda Berdaale ayaa waxaa xilligaasi la sheegay inuu marayay Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in ilaaladiisa ay ka shakiyeen gaari kale oo uu la socday marxuumka, oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Shariif Maxamed (Cabdullaahi Dheere), sidaasina uu askarigaasi rasaasta ugu furay.

Mukhtaar Cali Aadan oo ka mid ah dadka reer Baydhabo ayaa sheegay in Cabdullaahi Dheere uu ka hawlgalayay mid ka mida garaashyada baabuurta lagu sameeyo ee Magaalada Baydhabo.

“Cabdullaahi Dheere wuxuu ahaa nin dhallinyaro oo caan ka ahaa Magaalada Baydhabo. Waa nin Natarjiiste ah oo ka shaqeynayay mid ka mid ah geerishyada baabuurta ee magaalada.” Ayuu yiri Cali Mukhtaar.

Sarkaal ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa Universaltv u xaqiijiyay in ninka askariga ah ee dilka gaystay la soo xiray.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com