Axmed Madoobe oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ka yimid Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda iyo qaybaha bulshada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, oo maalmaha soo socda lagu wado in uu ka furmo magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com