Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Balcad oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aroornimadii hore ee saakay weeraray maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo muddo kooban u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku haynteeda.
Shabaabka oo dhowr jiho ka soo weeraray degmadaasi ayaa iska caabin kala kulmay ciidamo joogay oo degmadu laheyd, iyadoona ay markii dambe kala wareegeen.
Xoogag ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika oo gurmad ku tegay degmadaasi ayaa dagaal culus la galay Shabaabka, waxa ayna ku khasbeen inay dib uga gurtaan.
Dagaalkii hore ee saakay ka dhacay Balcad waxaa ku dhintay shan qof oo rayid ah, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay.
Waxa kaloo jira khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, inkastoo ay adag tahay in macluumaad sax ah laga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay. Dadka deegaanku waxayse sheegeen inay arkayn meydadka laba ka mida Ciidamada Dowladda.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka (SONNA) u sheegay in dagaalka ay ku dileen sagaal ka mida maleeshiyada Al Shabaab. Talisku ma sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.
Gudoomiyaha Degmada Balcad, Qaasim Cali Nuur (Furdug) oo caawa hadlay ayaa tirada Shabaabka laga dilay waxaa uu ku sheegay sagaal iyo toban nin.
Muddadii ay taagneyd arrinta doorashada la xiriirta waxaa sare u kordhay weerarada ay Shabaabku ka gaysanayaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com