Golaha Wasiirada Somaliya oo shir xasaasi ah yeeshay (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda ayaa caawa cambaareeyay is hortaagga dhawaan lagu sameeyay shaqada Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa caawa shir guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada, oo ka qabsoomay Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Geba-gabadii shirka, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abokar Dubbe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in goluhu uu ka xun yahay isku dayga Isniintii la doonayay in lagu joojiyo shaqada Ra’iisal Wasaaraha.

“Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, qodobka 1aad waxa ay kaga hadleen, si weyna ugu faaqideen inqilaabkii iyo is hortaaggii Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha la isaga hortaagay 27-kii bishan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri “Golaha Wasiirada, si wadajir ah wuxuu ka muujiyay inuu ka xun yahay arrintaa, waxaanu uu Ra’iisal Wasaaruhu ku taageeray mowqifkiisii ahaa in doorashadu socoto iyo Shirka Madasha Qaranka.”

Wasiirka ayaa xusay in goluhu isku raacay in guddi loo saaro, sida ay arrintaasi u dhacday iyo ciddii is hortaagga sameysayba, waxaana guddigaasi soo magacaabi doona sida uu yiri Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Dhanka kale Wasiir Dubbe ayaa sheegay in goluhu taageeray qorshaha amniga ee Magaalada Muqdisho, oo horaan loo ansixiyay.

“Sidoo kale waxaa la ayiday oo la taageeray qorshaha amniga caasimadda oo horey loo ansixiyay, si loo dardargeliyo amniga caasimadda. Amniga caasimadda iyo qorshaha amniga caasimadda oo abuurayay guddi ciidan oo isku dhaf ah, oo ka kooban dhammaan Ciidamada Qalabka Sida. Dardargelinta ciidamada amniga iyo sugidda caasimadda ayaa iyagana la taageeray oo la ayiday, iyadoo loogu talagalay dhammaan 17-ka degmo in si degdeg ah looga hawlgalo, si ay inoogu dhacdo doorasho nabdoon oo xasilloon.” Ayuu yiri Dubbe.

May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 8 people, indoor and office
May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 10 people, people sitting and people standing
May be an image of 2 people, people sitting and suit
May be an image of 2 people, people sitting and suit
May be an image of 3 people, people sitting and suit
May be an image of 1 person, sitting and suit
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and suit
May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and suit
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 2 people, people sitting and suit
May be an image of 3 people and people sitting
May be an image of 2 people and people sitting
May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor
May be an image of 1 person, sitting and suit
May be an image of 2 people and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and suit
May be an image of 4 people, people sitting and people standing
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, people standing, suit and indoor
May be an image of 3 people, people sitting and people standing
May be an image of 2 people and people sitting
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 5 people, people sitting and suit
May be an image of 2 people and people sitting

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com