Rooble oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirada Gaashaandhigga & Cadaaladda

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Cadaaladda.

Xasan Xuseen Xaaji oo horey u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ayaa noqday Wasiirka Cadaaladda, halka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku magawnaa Wasiirka Cadaaladda uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka cusub ee Caddaalada, Mudane Xasan Xuseen Xaaji.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Axaddii isku bedelay labadan Wasiir, si loo dardargeliyo howlaha la xiriira arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com