Deni oo la kulmay James Swan & Safiirka Ingiriiska (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Amb. James Swan, kaas oo aanay Madaxtooyada Puntland sheegin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoygiisa kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster iyo Sii Hayaha Safaaradda Mareykanka, gabadha lagu magacaabo Colleen Crenwelge.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay Sii Hayaha Safaaradda Mareykanka ee Somaliya, Colleen Crenwelge iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, oo aan lagu muujin qodobadii ay dhinacyadaasi ka wada hadleen.

Madaxweynaha Puntland ayaase bartiisa Twitter-ka ku sheegay “Waxaan fursad u helay in aan Muqdisho kula kulmo Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliya, James Swan, Sii Hayaha Safaaradda Mareykanka, Colleen Crenwelge iyo Safiirka Britain ee Somaliya, Kate Foster, inaga oo is dhaafsanay aragtiyo ku aaddan xaaladda taagan.”

Madaxweyne Deni oo Khamiistii soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa u yimid, sidii uu uga qaybgeli lahaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu 21-kii December isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedka iyo Gobolka Banaadir. Shirkan ayuu ujeedkiisu yahay in lagu dardargeliyo geeddi-socodka doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com