Lafta-gareen oo ka qaybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu ka soo qaybgeli doono Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, oo maalmaha soo socda lagu wado in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Axaddii qaadacay shirkan, oo 21-kii December uu iclaamiyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxa socda diyaargarowga furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ee uu iclaamiyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee inagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doonnaa dardargelinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.

Afhayeenka ayaa qoraal ku sheegay “Waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com