Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay James Swan

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Amb. James Swan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo sidii ay Qaramada Midoobey u taageeri laheyd dadaalo socda.

“Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan. Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii Qaramada Midoobey ay u tageeri lahayd dadaalada socda.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, oo maalmaha soo socda lagu wado in uu ka furmi doona Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com