Rooble oo la kulmay Madaxda Jubbaland iyo Puntland (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ka wada hadleen qaban-qaabada Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, oo maalmaha ina soo aaddan lagu wado in uu ka furmo Caasimadda Muqdisho.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, iyagoo ka wada hadlay qaban-qaabada Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, marka laga soo taggo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo isagu Axaddii qaaday shirka uu Ra’iisal Wasaaruhu iclaamiyay 21-kii December.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com