Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo ciidamo ka amar qaata Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere, oo la magac-baxay Ciidamada Badbaado Hiiraan.
Dagaalka waxa uu xoogiisu ka dhacay xaafadda Kooshin, gaar ahaan aagga Suuqa Balka, halkaasoo muddooyinkii ugu dambeysay ay ku sugnaayeen Nuur Dheere iyo ciidankiisa.
Dagaalka ayaa istaagay, ka dib markii ay xaafadda Kooshin isaga baxeen ciidamada Nuur Dheere, oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan.
Saddex qof oo shacab ah oo midi uu yahay wade mooto bajaaj ayaa ku dhintay dagaalka, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay. Khasaaraha rayidka ayaa la soo sheegaya in intaasi uu ka badan karo.
Ma cadda khasaaraha kala gaaray dhinacyadii wada dagaalamay, mana jirto wax wara oo Saraakiisha Ciidamada ay dagaalkaasi ka soo saareen.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ciidamada Nuur Dheere ay waddada u galeen xubno uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, xilli ay safar kaga soo laabteen deegaanka Feerfeer, ayna kolonyadii ay la socdeen ku weerareen gudaha magaalada.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay tiro maleeshiyo ah iyo hubkii ay wateen, kuwaa oo sida uu maamulku sheegay qayb ka ahaa ciidamadii uu Nuur Dheere watay.
Liibaan Cabdi Cumar, Afhayeenka Maamulka Gobolka ayaa sheegay in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ku lug leh falkaasi.
Ciidamada isugu yeeray Badbaado Hiiraan ayaa ka soo horjeeda Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyaga oo markaasi saluugsan hannaanka lagu soo doortay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com