Axmed Madoobe oo hoygiisa ku qaabilay Gudoomiye Xaashi

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda adag ee dalka ka taagan, ee ka dhalatay khilaafka dib uga soo cusboonaaday labada xafiis ee dalka ugu sarreeya.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Gudoomiye Xaashi ayaa waxay iyagu ku aragti yihiin Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu kaga qaybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, oo maalmaha ina soo aadan ka furmi doona magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com