Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo shirka maalmaha ina soo aaddan uga furmaya Golaha Wadatashiga Qaranka.
Madaxweynaha waxa uu ahaa ninka keliya ee ka tirsan Madasha Wadatashiga oo ka maqnaa Caasimadda Muqdisho, halka intii kalena ay ku sugneyd.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayay tahay in lagu dardargeliyo, laguna soo dhameystiro doorashada uu daaha badan raggaadiyay.
Dhanka kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, kaa oo aanay Madaxtooyada Koonfur Galbeed sheegin waxyaabihii ay Madaxweynaha ka wada hadleen.










Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com