Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Xasan Cali Khayre (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

War ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka.

“Kulankan ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaan dardargelinta arrimaha doorashooyinka.” Ayaa lagu sheegay warka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Caasimadda Muqdisho u joogga, sidii uu kaga qaybgeli lahaa shirka uu ku baaqay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com